"HABAR-JECLOY MUUSE WAAKAA" SIDAY KU BAXDAY ODHAAHDANI

             "Habarjeclooy Muuse waa qaabkaa"




                   Odhaahdani siday ku timi

Gu'a ku sinaa 1750 kii ayaa beesha Habarjeclo isugu timi shir aayo ka tashi, si ay u doorato boqor guud oo beesha maamula mudo yar ka hor waxaa burburtay boqortooyadii Dogma ee Toljecle oo iyadu ahayd Boqortooyo guud oo ay lahayd beesha reer sh: Isxaaq boqortoyadaas oo ahayd boqortooyo awood badnayd gacan bir ahna ku maamuli jirtay beesha ayaa ugu dambayn la kulantay inqilaab iyadoo la dilay bogorkii la odhan jiray Dhuux Baraaar ee haystay xukunka boqortooyada.
Inqilaabkaa dabadii waxa kala daatay taladii iyo taliskii guud ee beesha reer Sh:Isxaaq wada lahaayeen isla markiiba waxa sandalad samaystay beesha Garxejis, Beesha Habarjeclo ayaa iyana dhankeeda ka abaabushay shir aayo ka tashi kuna dooranayso Bogor guud, waxa laysugu yeedhay qamaamuurtii iyo cidii talada ehelka u ahayd ee ay beeshu lahayd, ugu dambayn Odayaashii beeshu waxay isku af garteen inay laba nin oo lakala odhan jiray Faarax Khayre (Solomodow) ahaa iyo Muuse Yuusuf (Reer Daahir) ahaa la tijaabiyo oo kii tijaabada kusoo baxa laga dhigo boqorka ama Suldaanka guud ee beesha. Tijaabadii waxaa ku guulaystay Muuse Yuusuf kagana gacan sareeyey Faarax Khayre. 
Maalintii loo madlanaa caleemo saarka Boqorka habeenkii ka horeeyey ayuu Faarax Khayre keenay khidad iyo ra'yi uu meesha ku waydaarin karo Muuse, wuxuu qalay wan weyn oo aad u shilis xaaskiisii ayuuna ku yidhi wanka wixii aad subag ka shiisho meel iigu xafid, hiirtii markuu waagi beryay ayuu wiil yar oo uu dhalayayuu subagii wanka ku dhabooqay waxaanu ku yidhi "Ninka soo fadhiisan doona golaha ee dharka cad cad xidhan dhabtiisa isku tuur markuu sidaa usoo fadhiisto" wiilkii yaraa hawraar san ayuu yidhi.
Boqorkii oo si meeqaamkeedu sareeyo usoo labistay kuna jookhan go'ii iyo guntiinadii Soomaalidu hidaha ulahayd oo weliba bafto cad ah ayaa golihii soo fadhiistay, durbadiiba siduu balanku ahaa wiilkii ayaa dhabta iska tuuray Muuse, wuu iska qabtay oo uu iska celiyay tiraba laba jeer markuu celiyay ayuu mar sadexaadkii ul uu sitay wiilkii yaraa sudhay oo sudhay, markii intaasi dhacday ayuu Faarax Khayre istaagay oo yidhi "Habarjeclooy Muuse waa qaabkaa", odhaahda caanka noqotay sidaas ayay ku badaxday, Muuse halkii ayaa lagaga rogey boqornimadii Isla jeerkaas loo caleemo waxaana galaafatay in la'arkay heerka uu dulqaadkiisu joogo. 



WQ=ILYAASIN.AXMED

Comments