WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY (QAYBTII 2AAD..)




Fasiraadda riyada marka dusha laga eegayo

1. Wax kasta oo biyo lagu kaydin karo waxaa lagu fasiraa weelka iyo alaabta

2. Wax kasta oo xoolaha iyo lacagta lagu ilaalin karo, sida sanduuqa iyo kiishka, waxaa lagu fasiraa qalbiga. Shay walba oo wax dhex gala ama la isku walaaqo waxaa lagu fasiraa guur, iskaashi iyo wada-jir.

3. Riyo wal oo ruux ku riyoodo oo dusha ka soo dhacaysaa waa riyo xun, halka riyo wal oo dusha loo baxayo ama sallaan la fuulayaa ay tahay riyo wanaagsan haddii aanay xadka dhaafsiisnayn.

4. Wixii dab gubaa waa masiibo, wixii jabaa na waa dhibaato. Wixii la xado ee aan la garanaynnin ciddii qaadatay ama xadday waa wax aan la helayn. Wiixi dhar ah ee qofku halkii loogu tala galay meel aan ahayn uu u xidho riyada dhexdeeda, waa riyo aan wanaagsanayn sida, cumaamadda oo lugta lagu xidhan yahay, sharabaaddo madaxa lagu xidhan yahay iyo qof dumar ah silis lugta ku xidhan. Siyaado walba oo qofka jidhkiisa ku siyaadda hadday tahay indhaha, dhererka, carrabka, gadhka, gacanta iyo lugtaba, waa siyaado khayr leh. Haddii ay xadka dhafsiisan tahayna waa shar, dhibaato iyo fadeexad.

5. Qofka xanuusanaya ee isaga oo aammusan guriggiisa laga soo saarayo, waxa ay calaamad u tahay dhimashadiisa. Isaga oo hadlaya haddii laga soo saaro gurigiisa, waxay calaamad u tahay noloshihiisa.

6. Ka soo baxa albaabbada cidhidhiga ihi waa badbaado iyo tawbad, gaar ahaan haddii loo soo baxo meel nafis ah ama waasic ah, dhimashada qofku waa tu cusub.

7. Dhimashada qofku waxay calaamad u tahay toobbaddiisa iyo soo noqashadii uu Ilaahay u soo noqonayey.

8. Wax la rahmay haddii qofku uu ku riyoodo waa dayn addoomuhu ku leeyihin ama xaq Ilaahay ku leeyahay.



           Fasiraaddo waxyaabo kala geddisan

Tukaha: waxaa lagu fasiraa ninka faasiqa ah. Sidii (naxariisi korkiisa ha ahaatee) uu ku fasiray. Sida ku sugan xadiiskii Bukhaari iyo Muslim ay soo wariyeen.

Jiirka: waxaa lagu fasiraa gabadha faasiqadda ah, waayo waxa uu nebigu (naxariisi korkiisa ha ahaatee) u bixiyay fuwasiqa, sida ku sugan xadiiskii Bukhaari iyo Muslim ay soo weriyeen.

Feedhaha: Waxaa lagu fasiraa dumarka, (nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi "Qofka dumarka ahi waxa ay ka abuuran tahay feedh qolloocda". Sida ku sugan xadiiskii Bukhaari iyo Muslim.

Xadhigga lugaha lagu xidho: Waxaa lagu fasiraa sugnaan diinta lagu sugan yahay. Sida uu yidhi (nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee). Waan jecelahay xadhigga, waayo waa sugnaan diinta lagu sugan yahay. Xadiis saxiixa Bukhaari.

Muftaaxa gacanta ku jira: Waxaa lagu fasiraa, xoolo, arsaaq, cisi, sharaf iyo karaamo.

Caanaha: Waxaa lagu fasiraa cilmiga. Sidoo kale (cws) mar kale waxa uu ku fasiray fadwada.

Gabadha: Gabadha Madaw ee timaha bulbulka ah leh, waxaa lagu fasiraa xanuun filiqsan. Sidii xadiiskii Bukhaari ku sugnaa ee nebigu (cws), uu ku riyooday gabadh dumar ah oo madaw timaheeduna bulbul yihiin. Waxa uuna ku fasiray xanuun filiqsan oo ku soo waajahan.

Roobka: waxaa lagu fasiraa hanuunka iyo cilmiga, sidii nebigu (cws) yidhi "Ilaahay hanuunka iyo cilmiga uu ii soo diray, waa sidii roobka oo kale". Sida ku sugan xadiiskii Bukhari iyo Muslim ay soo weriyeen.

Geedka timirta: waxaa lagu fasiraa qofka muuminka ah ee wanaagsan. Sidii xadiiskii ay soo wariyeen Bukhaari iyo Muslim ee nebigu (cws) uu yidhi "Geedaha waxaa ka mid ah geed aan caleentiisu dhicin, sida muslimka oo kale". Asxaabigii Ibnu Cumar ayaa gartay in ay tahay geedka timirta, laakiin kama uu jawaabin, halka uu markii danbe nebigu u sheegay in ay tahay geedkaa timirta.

Geela: Waxaa lagu fasiraa cisiga, halka adhiga lagu fasiro barakada, fardahanna lagu fasiro khayrka. Sida xadiiskii Ibnu Maaji soo weriyay uu ku sheegay.


xigasho buuga waad riyootee runtu waa maxay

Comments