Posts

UGU XIISO BADAN

MUDNAANTA SII WIXII MUDAN / LIVING BY PRIORITY ( buuga xilkas )

Image
                MUDNAANTA SII WIXII MUDAN / LIVING BY PRIORITY   Maahmaah ayaa odhaneysa: "haddaad laba bakayle caydhsatid isku mar midna ma qabatid."  Haddii wax walba mudnaan iyo qümo isku mid ah la suyo, waxay la mid tahay in aan shayna mudnaan lahayn. Sida aynu maalmaheenna u isticmaalo, ayaa dabcan ah sida aynu nolosheenna guud ahaanba uga faa'iideysaneyno. Haddii maalin walba kaa khasaarto, noloshii way kaa khasaartey. Haddii aad u nooshahay si aan abaabulleyn (organized ahayn), waxay aad ugu dhawdahay in maalin waliba kaa khasaarto.  35000 oo hoggaamiye oo kala matelayey kumannaan shirkadood oo kala deggen 100 waddan, oo daraasad cilmi- baadhiseed lagu sameeyey, 67% oo ka mid ah hoggaamiyeyaashan waxay ku sifeeyeen maskaxdooda mid cakiran oo isku buuqsan (cluttered). Xaaladdan oo macnaheedu yahay, madaxdan waxaa ku adkaatey in ay u kala saaraan shaqadooda mudnaanta ay kala leedahay - taasina ay ku keento jaahwareer iyo qas. Sidaa darteed, waxaa daraasadda lagu shee

WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY (QAYBTII 2AAD..)

Image
Fasiraadda riyada marka dusha laga eegayo 1. Wax kasta oo biyo lagu kaydin karo waxaa lagu fasiraa weelka iyo alaabta 2. Wax kasta oo xoolaha iyo lacagta lagu ilaalin karo, sida sanduuqa iyo kiishka, waxaa lagu fasiraa qalbiga. Shay walba oo wax dhex gala ama la isku walaaqo waxaa lagu fasiraa guur, iskaashi iyo wada-jir. 3. Riyo wal oo ruux ku riyoodo oo dusha ka soo dhacaysaa waa riyo xun, halka riyo wal oo dusha loo baxayo ama sallaan la fuulayaa ay tahay riyo wanaagsan haddii aanay xadka dhaafsiisnayn. 4. Wixii dab gubaa waa masiibo, wixii jabaa na waa dhibaato. Wixii la xado ee aan la garanaynnin ciddii qaadatay ama xadday waa wax aan la helayn. Wiixi dhar ah ee qofku halkii loogu tala galay meel aan ahayn uu u xidho riyada dhexdeeda, waa riyo aan wanaagsanayn sida, cumaamadda oo lugta lagu xidhan yahay, sharabaaddo madaxa lagu xidhan yahay iyo qof dumar ah silis lugta ku xidhan. Siyaado walba oo qofka jidhkiisa ku siyaadda hadday tahay indhaha, dhererka, carrabka, gadhka,

WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY?

Image
          Qawaacidda fasiraadda riyooyinka  ➤ Dharka ama shaadhka waxaa lagu fasiraa diinta. Dhererka iyo gaabnida, nadaafadda iyo uskagga, intaaba qofka diintiisa ayaa lagu fasirayaa. Sidii nebigu ba (Scw) uu ugu fasiray shaadhka diinta. Arrinta ay labaduba ka midaysan yihiin, waxa weeye in mid waliba wax asturay, oo dadka dhexdooda haybad iyo qiimo ugu yeelayo. Halka qofka shaadhku uu jidhkiisa asturayo, diintuna ruuxa qalbigiisa iyo ruuxdiisa ayay asturaysaa. ➤ Sidaa si le'eg caanaha waxaa lagu fasiraa, fitradda, fitraddana waxaa lagu fasiraa caanaha, labadooduba waxa ay ka midaysan yihiin nafaqada. Halka caanuhu ay nafaqo siiyaan jidhka, fitraduna ay nafaqo siiso nafta oo ay ku hanuuniso tubta toosan. ➤ Lo'da waxaa lagu fasiraa dadka wanaagsan ee ehlu-khayrka ah. Labadooduna waxa ay ka midaysan yihiin khayrkooda badan, dhibatadda aanay lahayn iyo baahida dadka iyo dalkuba u qabaan. Sidaa darteed, mar uu ku riyooday lo' la gawracayo, waxa uu ku fasiray saxaab

"WAXAYNU NAHAY BAHALO KU DHEX NOOL CARUUR YAR.YAR OO QALBI XABXAB AH" .!!

Image
Muddo 15 sanno ka hor ah ayaan maalin Fasal aan xiisad u lahaa u galay, mise jawiga fasalkuba wuu dhiillaysan yahay. Gabadhihii qaar baa ooyaya wiilashiina way hoganayaanba. Kuwii ooyayey ayaan dul tagay oo weydiiyey “Adeer maxaa idinku dhacay?  Kuye “Hiq hiq hiq hiq” waabay beer bararsan yihiinba. Dhawr jeer haddaan ku celceliyey ayey mid ka mid ahi igu tidhi “Macallin heblaayo ayaa dhooftay” yaab baa Alle ii keenay!! “oo Adeer hadday dhooftay miyey dhimatay?”  Haddiiba ay iga aragtay in aanan la dareenba ahayn, iyada oo yaab badani ka muuqdo ayey su’aal gar ah i weydiisay. “Macalin, Annaga oo lix jir ah ayaa dugsiga lana wada qoray, intaas oo dhanna saaxiibo ayaanu ahayn, mana garanayo nolosha in aanu dib isku arki iyo in kale, kolkaa taasi wax laga ooyo maaha miyaa?”  Su’aashii waxay igu baraarujisay kala duwanaanshaha aniga iyo caruurtan u dhexeeya. Dabcan caruurtani qaxooti kuma ay korin, qabadin may cunin, salaw iyo qaasawselelna kuma dhicin, weligoodna qarax iyo rasa

DARDAARANKII UGU CAJIIBSANAA EE UU QORAY MARXUUM !! GEERIDA KA HOR

Image
Dardaarankii Ugu Cajiibsanaa ee uu qoro qof marxuum ah 😥😥                                  " Waxeey tiri Si fiican U dhuux Waxa Aan qorayo Geerideeyda Kama Wal Wal qabo  Muhiimad Weeyn  iima laha , Sida jirkeyga U baaliyoobi doono. Muslimiinta Sida Caadiga ah Marka Qof dhinto Loo Sameeyn jiray Ayeey igu sameeyn doonaan dharka ayeey iga bixin doonaan , Weey idhaqi doonaan  Markay i Karfaniyan Ka dib gurigeyga iga soo Saari doonaan Waxeey Ii Kaxeeyn doonaan Gurigeyga Cusub Ee Qabriga  Dad badan ayaa tacsiyadeyda imaan doona Bal qaarkood Balamihii iyo Shaqooyiinka ay lahaayeen ayeey aniga darteey U soo deyn doonaan Si ay Meydkeyga U soo raacaan Ka dib Duugteyda uga qeeyb qaataan.  Dadkaas Sidaa U tirada badan Maalin intaan Noolaa Hal mar Ma aysan isiin Nasteexo Wax Ka tari doonto Geerideyda bacdigeed Kheyr ima aysan fari jirin Alla ima aysan Xasuusin. Wax yaabaha intaan Sariirta Meydka Saaranahay Laga Takhalusi doona Waxa Ka mid ah...... 1.  Furihii Qolkeyga 2.  Buugaag

QAANUUNKA 15-KA DAQIIQO

Image
                   QAANUUNKA 15 KA DAQIIQO Qaanuunka 15-daqiiqo.  Haddii aad ku bixiso Naftaada maalin walba 15-daqiiqo waxa aad arki doontaa sanadka dhamaadkiisa in aad isbedal wayn samaysay.  Haddii aad ku bixiso maalin walba 15-daqiiqo wax aanad u arkayn in faa’iido wayn leeyahay oo aad joogtayso waxa aad arkaysaa in aad Guulka ka gaadhay sanadka dhamaadkiisa. Haddii aad maalin walba aad u qoondayso Naftaada in aad barato 15-daqiiqo luuqad cusub, waxa ay ka wanaagsan tahay in aad dagto meelaha lagu barto luuqaddaas hal mar todobaadkii.  Haddii aad u qoondayso In aad samayso 15-daqiiqo socod ah, waxa ay ka wanaagsan tahay in aad ka qayb gasho socod ay samaynayaan Naadi aad ka mid tahay todobaadkii laba mar.  Haddii aad u gaar yeesho maalintii 15-daqiiqo in aad akhrido akhris faa’iida leh oo aad ku koncinaso maskaxdaada waxa aad arkaysaa in uu aad u koray sanad ka dib fahanka maskaxdaadu.  Haddii aad qorto maalin kasta 15-daqiiqo maqaal labadii cisho ama saddexdii cishaba

"HABAR-JECLOY MUUSE WAAKAA" SIDAY KU BAXDAY ODHAAHDANI

Image
             "Habarjeclooy Muuse waa qaabkaa"                    Odhaahdani siday ku timi Gu'a ku sinaa 1750 kii ayaa beesha Habarjeclo isugu timi shir aayo ka tashi, si ay u doorato boqor guud oo beesha maamula mudo yar ka hor waxaa burburtay boqortooyadii Dogma ee Toljecle oo iyadu ahayd Boqortooyo guud oo ay lahayd beesha reer sh: Isxaaq boqortoyadaas oo ahayd boqortooyo awood badnayd gacan bir ahna ku maamuli jirtay beesha ayaa ugu dambayn la kulantay inqilaab iyadoo la dilay bogorkii la odhan jiray Dhuux Baraaar ee haystay xukunka boqortooyada. Inqilaabkaa dabadii waxa kala daatay taladii iyo taliskii guud ee beesha reer Sh:Isxaaq wada lahaayeen isla markiiba waxa sandalad samaystay beesha Garxejis, Beesha Habarjeclo ayaa iyana dhankeeda ka abaabushay shir aayo ka tashi kuna dooranayso Bogor guud, waxa laysugu yeedhay qamaamuurtii iyo cidii talada ehelka u ahayd ee ay beeshu lahayd, ugu dambayn Odayaashii beeshu waxay isku af garteen inay laba nin oo lakala odhan jir

ABWAAN QUULE WARSAME (quule indhoole)

Image
ABWAAN QUULE WARSAME (quule indhoole) waa  ayaa gurdan dhexmaray Habar Yoonis iyo Reer Cabdille (Ciideed)  Waxaa labo gabay is dhaafsaday Maxamed Cumar Dage iyo Quulle Indhoole, Habar Yoonis, Isaaq.  Maxamed ayaa ku horeeyey isagoo ku faanay guulo usoo hoyday tolkii iyo geel tiro badan oo ay gacanta ku dhigeen, dhinaca kalana ku cambaareeyey fulaynimo.  Maxamed wuxuu sifeeyey geelii badnaa ee la qaaday, raggii weeraray iyo geedankoodii.  Reer Jaamac iyo Baha Ammaaneey ayuu baqahoodii xusay.  Good, Sacmaal, iyo Cagdheer niman la kala odhan jiray ayuu fulaynimo ku qiray.  Geelanaga ma kii Gunbuur ayey moodeen ayuu kusoo xidhay.  Wuxuu yidhi: ·          In dhawaydba gabay leyga waa, Muxumed-Gaasowe ·          Waayadanba waataan gudhnaa, sida galoofeede ·          Gu’gan da’ay raggii lagu galladay, gababaxdii roobka ·          Iyadoo gorgoor meel leh iyo, gubadka  loo ooday ·          Iyadoo guryaha Faafeeneed, gaxar ka daaqaysa ·          Iyadoo Galduur loo rariyo, gee

TALADII MAXAMUUD CABANE ( Talo waa tii maxamuud cabane' e)

Image
             TALO WAA TII MAXAMUUD CABANE   Warsame Gabdoon oo reer Cabdi Xirsi ahaa ayay heshiiyeen gabadh reer Guuleed ah. Hal shardi ayey reer Guuleed ku xidheen inantoodii. Waxey Warsame u sheegeen in uu u keeno faraska walaalkii Ducaale Gabdoon lana odhan jirey Looyaan. Warsame isagoo maqiiqan ayuu u teggay walaalkii, faraskiina ka codsadey una sheegay in shardi looga dhigay guurkiisa. Ducaale meel kale ayuu u boodey codsigiina wuu ka meermeeray. Waxa uu yidhi Ducaale: hal talo aan ku silyo. Warsame ayaa ku jawaabey: talo Maxamuud-Cabane ayaa ii ga horreeya oo macnaha aan ka tala qaataa. Warsame wuu laabtey isagoo ku hungoobey codsigii uu walaalkii hordhigey. Judhiiba waxa uu u tegay Maxamuud-Cabane oo ahaa ruugcaddaa iyo beeldaaje kana soo jeeday beesha Gumbuur (Xasan Xildiid) sidoo kale ka mid ahaa xeerbeegtidii Sul. Diiriye Sugulle. Haddaba markii uu warramey Warsame.Gobdoon, Maxamuud-Cabane ayuu hal su'aal weydiiyay Warsame. Warsame gabadhu ma ku rabtaa oo