TALADII MAXAMUUD CABANE ( Talo waa tii maxamuud cabane' e)

             TALO WAA TII MAXAMUUD CABANE 
Warsame Gabdoon oo reer Cabdi Xirsi ahaa ayay heshiiyeen gabadh reer Guuleed ah. Hal shardi ayey reer Guuleed ku xidheen inantoodii. Waxey Warsame u sheegeen in uu u keeno faraska walaalkii Ducaale Gabdoon lana odhan jirey Looyaan.

Warsame isagoo maqiiqan ayuu u teggay walaalkii, faraskiina ka codsadey una sheegay in shardi looga dhigay guurkiisa. Ducaale meel kale ayuu u boodey codsigiina wuu ka meermeeray. Waxa uu yidhi Ducaale: hal talo aan ku silyo. Warsame ayaa ku jawaabey: talo Maxamuud-Cabane ayaa ii ga horreeya oo macnaha aan ka tala qaataa. Warsame wuu laabtey isagoo ku hungoobey codsigii uu walaalkii hordhigey.
Judhiiba waxa uu u tegay Maxamuud-Cabane oo ahaa ruugcaddaa iyo beeldaaje kana soo jeeday beesha Gumbuur (Xasan Xildiid) sidoo kale ka mid ahaa xeerbeegtidii Sul. Diiriye Sugulle.

Haddaba markii uu warramey Warsame.Gobdoon, Maxamuud-Cabane ayuu hal su'aal weydiiyay Warsame. Warsame gabadhu ma ku rabtaa oo ma ku jeceshahey? Haa ayuu Warsame ku jawaabey. Waa tahey:"Faraskeyga kaxeyso oo fanka soo saar" ayuu yidhi Maxamuud Cabane.

Sidii ayuu yeelay Warsame oo Faraska ayuu soo saartey gabadhii
xilli cagta ku yareyd reerka oo la kala maqnaa.

Muddadii uu Warsame ku maqnaa soo dhicinta bilcaantii uu jeclaa ayaa dhanka kale na Maxamuud-Cabane ku hawlana dhismaha gurigii ay degi lahaayeen. Sidoo kale 50 halaad ayuu ka soo saarey 50 xero oo geelal Habar Yoonis laheyd ah. Jeerkaasna uu ku xilla furey in uu xabbad ku dhufanayo ninka ka daba yimaadda hashii xeradiisa la ga soo saarey.
U gu danbeyn Warsame Gabdoon wuu yimid isaga oo saaran faraskii, dhabarkiisa na ay ku dheggantahey bilcaantii. Judhiiba gurigii loo diyaariyey ayey deggeen, xoolihiinna wey dhaqdeen.


Comments

Post a Comment