QAANUUNKA 15-KA DAQIIQO





                  QAANUUNKA 15 KA DAQIIQO
Qaanuunka 15-daqiiqo. 

Haddii aad ku bixiso Naftaada maalin walba 15-daqiiqo waxa aad arki doontaa sanadka dhamaadkiisa in aad isbedal wayn samaysay. 
Haddii aad ku bixiso maalin walba 15-daqiiqo wax aanad u arkayn in faa’iido wayn leeyahay oo aad joogtayso waxa aad arkaysaa in aad Guulka ka gaadhay sanadka dhamaadkiisa.
Haddii aad maalin walba aad u qoondayso Naftaada in aad barato 15-daqiiqo luuqad cusub, waxa ay ka wanaagsan tahay in aad dagto meelaha lagu barto luuqaddaas hal mar todobaadkii. 
Haddii aad u qoondayso In aad samayso 15-daqiiqo socod ah, waxa ay ka wanaagsan tahay in aad ka qayb gasho socod ay samaynayaan Naadi aad ka mid tahay todobaadkii laba mar. 
Haddii aad u gaar yeesho maalintii 15-daqiiqo in aad akhrido akhris faa’iida leh oo aad ku koncinaso maskaxdaada waxa aad arkaysaa in uu aad u koray sanad ka dib fahanka maskaxdaadu. 
Haddii aad qorto maalin kasta 15-daqiiqo maqaal labadii cisho ama saddexdii cishaba oo aad joogtayso waxa aad sanadku marka uu dhamaado ka soo saari kartaa Buug maqaaladaas. 
Haddii aad u qoondayso maalin kasta in aad 15-daqiiqo aad Akhrido Qur’aan waxa aad dhamaynaysaa Bil kasta hal mar Qur’aanka. 
Camalada waxa ugu wanaagsan midka yar ee la joogteeyo.

Xigasho.

Comments