"WAXAYNU NAHAY BAHALO KU DHEX NOOL CARUUR YAR.YAR OO QALBI XABXAB AH" .!!


Muddo 15 sanno ka hor ah ayaan maalin Fasal aan xiisad u lahaa u galay, mise jawiga fasalkuba wuu dhiillaysan yahay. Gabadhihii qaar baa ooyaya wiilashiina way hoganayaanba. Kuwii ooyayey ayaan dul tagay oo weydiiyey “Adeer maxaa idinku dhacay?  Kuye “Hiq hiq hiq hiq” waabay beer bararsan yihiinba. Dhawr jeer haddaan ku celceliyey ayey mid ka mid ahi igu tidhi “Macallin heblaayo ayaa dhooftay” yaab baa Alle ii keenay!! “oo Adeer hadday dhooftay miyey dhimatay?” 

Haddiiba ay iga aragtay in aanan la dareenba ahayn, iyada oo yaab badani ka muuqdo ayey su’aal gar ah i weydiisay. “Macalin, Annaga oo lix jir ah ayaa dugsiga lana wada qoray, intaas oo dhanna saaxiibo ayaanu ahayn, mana garanayo nolosha in aanu dib isku arki iyo in kale, kolkaa taasi wax laga ooyo maaha miyaa?” 

Su’aashii waxay igu baraarujisay kala duwanaanshaha aniga iyo caruurtan u dhexeeya. Dabcan caruurtani qaxooti kuma ay korin, qabadin may cunin, salaw iyo qaasawselelna kuma dhicin, weligoodna qarax iyo rasaas may maqlin. Waa dad qalbigoodu saafi yahay. 

Macalin waayeel ahaa Cabdi Jaamac Dhimbiil Alle ha xafidee ayaan xilligii nusasaacaha sheekadii uga sheekeeyey. “Innagu bahalo ayeynu nahay bashar qalbi xabxab ah dhex jooga” ayuu igu yidhi. Si uu iigu qanciyo inan bahalo nahay ayuu isaga oo hadalkii wata yidhi “Berigii aan iskuulka cadaadley ee boarding ahaa aanu ku jirnay, ayuu nin maraykan ah oo macalin ahaa markii uu berri oo kale naga tegayey, casarkii oohintii uu sii bilaabay ilaa aroornimadii dambe ku dhoofay. Annagu waaban ku qoslaynay oo ninkan weyni reerkiisii ayuu tegayaaye muxuu la ooyayaa ayaanu lahayn, oo innagu bulsho bilaa naxariis ah ayeynu nahay”

Basharkaa yaryar ee qalbi xabxabka ah inay bahalo noqdaan yaan laga talin.

W/Q= abwaan weedhsame 

Comments