WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY?

  
      Qawaacidda fasiraadda riyooyinka 
➤ Dharka ama shaadhka waxaa lagu fasiraa diinta. Dhererka iyo gaabnida, nadaafadda iyo uskagga, intaaba qofka diintiisa ayaa lagu fasirayaa. Sidii nebigu ba (Scw) uu ugu fasiray shaadhka diinta. Arrinta ay labaduba ka midaysan yihiin, waxa weeye in mid waliba wax asturay, oo dadka dhexdooda haybad iyo qiimo ugu yeelayo. Halka qofka shaadhku uu jidhkiisa asturayo, diintuna ruuxa qalbigiisa iyo ruuxdiisa ayay asturaysaa.

➤ Sidaa si le'eg caanaha waxaa lagu fasiraa, fitradda, fitraddana waxaa lagu fasiraa caanaha, labadooduba waxa ay ka midaysan yihiin nafaqada. Halka caanuhu ay nafaqo siiyaan jidhka, fitraduna ay nafaqo siiso nafta oo ay ku hanuuniso tubta toosan.

➤ Lo'da waxaa lagu fasiraa dadka wanaagsan ee ehlu-khayrka ah. Labadooduna waxa ay ka midaysan yihiin khayrkooda badan, dhibatadda aanay lahayn iyo baahida dadka iyo dalkuba u qabaan. Sidaa darteed, mar uu ku riyooday lo' la gawracayo, waxa uu ku fasiray saxaabadiisii oo qudha laga jarayo.

➤ Dhirta iyo beerta waxaa lagu fasiraa camalka, maxaa yeelay? Labadooda waxaa ka dhexeeya dedaal iyo manfac badan adduun iyo aakhiraba.

➤ Looxa waxaa lagu fasiraa munaafaqiinta, maxaa yeelay looxu hadh iyo intifaacsi midna ma leh. Sidoo kale munaafaquna iman iyo khayrtoona aanu lahayn.

➤ Dabka iyo ololka waxaa lagu fasiraa fitnada, labadoodaba meeshay soo maraan waa ay fasahadiyaan. Dabku meesha uu haleelaba dambas buu ka yeelaa, halka fitanaduna dadka quluubtooda, diintooda iyo iimankoodaba ay baa'ba ka yeesho.

➤ Xiddigaha waxaa lagu fasiraa culimada, waxa ayna ka samin yihiin hanuuninta iyo toosinta.

➤ Roobka waxaa lagu fasiraa raxmadda, maxaa yeelay waxa ay ka

siman yihiin hagaajinta xaaladda dadka iyo duunyadaba. 

➤ Dhiigga qofka jidhkiisa ka baxa, waxaa lagu fasiraa xoolihiisa oo ka baxaya, maxaa yeelay labadaba dadka ayaa ku nool. Sida aad ogsoon tahay dhiigga qofna kama maarmi karo, sidoo kalena duunyada ruuxna kama maarmo.

➤ Haddii qof diinta Yuhuudda iyo ta Kiristaanka uu ku riyoodo waxaa lagu fasiraa bidco qofka dhanka diinta ka soo gashay.

➤ Haddii qofku uu ku riyoodo bir ama hub waxaa lagu fasiraa xoog iyo guul.

➤ Carfi udgoon haddii uu qofku ku riyoodo, waxaa lagu fasiraa ammaanta wanaagsan, qawlka fiican iyo camalka suubban.

➤ Urta aan wanaagsanayn, waxaa lagu fasiraa ammaanta xun hadalka aan wanaagsanayn iyo camalka foosha xun.

➤ Halka miisanka lagu fasiro caddaaladda.

➤ Ayaxa waxaa lagu fasiraa ciidanka iyo askarta.



      LA SOCO QAYBTA XIGTA 
XIGASHO BUUGA WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY

Comments