MUDNAANTA SII WIXII MUDAN / LIVING BY PRIORITY ( buuga xilkas )


                MUDNAANTA SII WIXII MUDAN / LIVING BY PRIORITY 

Maahmaah ayaa odhaneysa: "haddaad laba bakayle caydhsatid isku mar midna ma qabatid." 


Haddii wax walba mudnaan iyo qümo isku mid ah la suyo, waxay la mid tahay in aan shayna mudnaan lahayn. Sida aynu maalmaheenna u isticmaalo, ayaa dabcan ah sida aynu nolosheenna guud ahaanba uga faa'iideysaneyno. Haddii maalin walba kaa khasaarto, noloshii way kaa khasaartey. Haddii aad u nooshahay si aan abaabulleyn (organized ahayn), waxay aad ugu dhawdahay in maalin waliba kaa khasaarto. 


35000 oo hoggaamiye oo kala matelayey kumannaan shirkadood oo kala deggen 100 waddan, oo daraasad cilmi- baadhiseed lagu sameeyey, 67% oo ka mid ah hoggaamiyeyaashan waxay ku sifeeyeen maskaxdooda mid cakiran oo isku buuqsan (cluttered). Xaaladdan oo macnaheedu yahay, madaxdan waxaa ku adkaatey in ay u kala saaraan shaqadooda mudnaanta ay kala leedahay - taasina ay ku keento jaahwareer iyo qas. Sidaa darteed, waxaa daraasadda lagu sheegey 65% oo ka mid ah madaxdan in ay ku adkaato in ay dhammeystiraan hawlahooda. Waxa ugu badan ee jaahwareerka ku keena madaxdan waxaa ka mid ah/ahayd: codsiyada dadka kale uga imanaya (26%) 


arrimo badan oo u muuqda in ay mudnaan isku midah leeyihin (25%); jeedimo (distractions) guud (13%); culeyska shaqata aad u badan (12%). Sidaa darteedna, 96% hoggarmiyeyacha la daraaseeyey waxay qireen xoojinta qofku hal arrin diradi saaro in ay tahay mid muhiim u ah hoggaaminta fiican. 


Qof walba wuxuu haystaa 24 saacdood, dadka intooda badanna xor ayey u yihiin sida ay u isticmaalayaan 24-kooch saacadood. Waxaa macquul ah in ay jiraan dad 24-ka saacadoodby ka khasaaraan, adduun iyo aakhiroba. Marka aad nolosha ujeeddo ka leedahay, qiyamna ku hagayo, wakhtigaaga khasaareyn meyd 


Cilmi-baadhis lagu daabacay Journal of Consumer Research, waxaa lagu ogaadey, in dadku fuliyaan arrimaha degdegga ah oo aan muhiimadda lahayn, in ka badan inta ay fuliyaan arrimaha aan degdegga ahayn, laakiin muhiimka ah. Sidii aynu hore u soo sharraxney, dadka waxaa haga dareenkooda, sidaa darteedna, markii aanay si qorsheysan u hawl-gelin, inta badan wakhtigoodu wuxuu ku dhammaadaa marba wixii hawadoodu u jido. 


→→Cilmi-baadhayaasha sameeyey daraasadda lagu daabacay Journal of Consumer Research, waxay sharraxeen in dadku u ishaan in ay qabtaan hawsha degdegga ah si ay markiiba guusha u arkaan. Maskaxda binu-aadamka ayaa u sameysan in ay nacdo wixii dhib (pain) u keenaya, oo ka jecelaato wixii farxad gelinaya. Xorriyad dhaqaale iyo nabad ku noolaansho oo keliya uma dadalo, ee waxaynu sidoo kale u dadaalaa in aynu helno wax ina farxad geliya. Maskaxdu waxay adeegsataa hormoonno (chemical hormones), kuwaas oo farriimaha u kala qaada neerfayaasha jidhka qofka, sidoo kalena maamula dareenada kala duduwan ee qofku dareemo. 


Labo ka mid ah hormoonada ugu muhimsan oo maskaxda

Una qaabbilsan maamulka niyadda (mood), waxaa lagu kala magacaabaa: 


Serotonin 


Dopamine 


Serotonin-ku waa hormoon ay maskaxda iyo mindhiciradu 300 saaraan. Serotonin waa farriin-qaade kiimiko ah 00 la aaminsanyahay in marka cadad saxan maskaxdu jidhka ku sü deyso, in ay niyadda qofku heer dhexdhexaad ah oo fiican (neutral mood) ahaaneyso. Saynisyahannada qaar ka mid ah, waxay kümikadan ku magacaabeen hormoonka farxada (happyness molecule), taas oo ay la xidhiidhiyeen marka maskaxdu serotonin ku sii deyso dheefshiidka iyo dhiigga dhexdiisa in ay sababto farxad iyo kalsooni badan. 


Cunista cuntooyinka ay ku jiraan amino acid-ku ee loo yaqaan tryptophan, waxay ka caawiyaan jirka inuu soo saaro serotonin badan. Cuntooyinka ay ku jiraan amino acid-ku waxaa ka mid ah: lowska, kalluunka, hillibka, beedka, digaaga iyo isbinaajka. 


Hormoon-ka serotonin-ku wuxuu fuliyaa hawlo farabadan, laakiin waxay saynisyahannada maskaxdu isku raaceen in shaqada ugu muhiimsan oo hormoon-ka serotonin-ku qabtaa ay tahay maamulka niyadda (mood-ka) → 


Dopamine-ku waa hormoon kale oo maskaxdu soo saarto on u kala dirto neerfayaasha xidhiidhiya jidhka qaybihiisa kale, ay u dhashaan ficillo dareen iyo dhaqdhaqaaqba. 


Kimikada dopamine-ka ee maskaxda dadku soo saarto waxay qayb ka qaadataa maamulka xaaladda dareen ee qofku ku sugan yahay (moodka qofka) - gaar ahaan, kiimikadan waxar maskaxdu sii deysaa marka qofku cuno cuntada ay ku badan tahay waxa loo yaqaanno amino acid, sida yicibta, kalluunka, ukunta, iyo digaaga, iwm. 


Sidoo kale, waxay maskaxdu sii deysaa hormoonka dopamine- ka marka qofku xaqiijiyo yool/ujeeddo, mid yar iyo mid weynba. Sidaa darteed, ayey saynisyahannadu ugu magacaabeen hormoonkan kiimikadii abaalmarinta' (reward molecule). Marka maskaxdeennu sii deyso kiimikada dopamine-ka, waxaynu dareennaa firfircoconi iyo hawl-karnimo. Sidaa awgeed, ayey muhiim u tahay in aynu si xikmadeysan hawlaheenna u kala jejebino, si guuluhu u soo kala horumaraan - sidaana aynu ku kasbano hormoonka farxada, ee dopamine-ka. 


Hormoon-ka dopamine-ka waxay maskaxdu soo saartaa xilli kasta oo qofku moodo in uu kasbadey guul - xataa in qofku dood yar kaga guuleysato saaxiibkii. Waxaa daraasado lagu ogaadey in isticmaalka maandooriyeyaashuna sababaan in ay maskaxdu sii deyso dopamine xad-dhaaf ah, sidaana qofku kula qabsado maandooriyeyaal. 

 Qofkuna wuxuu fekerkiisu kala miiran-yahay/clear minded marka maskaxdiisu degantahay....


Comments